WASIIR KA TIRSAN PUNTLAND OO SHAQO JOOJIN LAGU SAMEEYAY



Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Ilyaas Cismaan lugatoor ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiirkii qorshaynta Dawladda Puntland Daa'uud Bisinle , sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Shaqo joojinta wasiir Daa'uud Bisle waxaa la sheegay in ay la xiriirto amar diido, waxayna arintaan kusoo aaday xilli Madaxwynaha Daladda Puntland uu ku sugan yahay Magaalada muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland lugatoor ayaa todobaadyo ka hor wasiir daa'uud ku abaal mariyay shaqo wanaag iyada oo labada masuul kasoo wada jeedaan  gobolka sool.

Sanadii 2022 Puntland waxaa ka dhacday dhacdo kilaaf abuurtay ka dib madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash uusameeyay shaqo joojin, magacaabis iyo xil ka qaadis xilli madaweyne deni ku sugnaa muqdiho xilligaas oo ay shaqayn wayday shaqo joojintaas.

Salafia Media 

Post a Comment

0 Comments