BURCAD BADEED LAGU DHAAWACAY DEGMADA EYL

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa maanta weerar ku qaaday dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, xilli ay maraysay xeebaha degmadaas. Weerarkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray kooxda burcad-badeedda.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas culus looga jawaabay doonta ay isku dayayeen inay qabsadaan, taasoo keentay in hal nin oo ka mid ahaa burcad-badeedda uu dhinto, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa laga soo saaray xeebta Eyl, iyadoo dhaawacyada loola tacaalayo.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay labada nin ee dhaawaca ah iyo ninkii waday doontii keentay halkaas. Sidoo kale, meydka ninka dhintay ayaa la geliyay talaagad si loo ilaaliyo.

Kooxdan burcad-badeedda ah oo markii hore la sheegay inay ka koobnaayeen toban nin ayaa inta ka badbaaday rasaasta ka baxsaday goobta.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada lagu qaado doomaha kalluumeysiga iyo maraakiibta ganacsiga ee mara xeebaha Puntland, taasoo muujinaysa dib u soo laabashada falalkii burcad-badeednimada.

Dhacdo kale oo la xiriirta arrintan ayaa ka dhacday agagaarka degmada Bandarbeyla, halkaas oo markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha laguna magacaabo Liao Dong Yu 578 ay burcad-badeed ku afduubteen 31-kii Diseembar 2025.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments