DHACDO LAYAAB LEH OO KA DHACDAY GALDOGOB



Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya bulshada degmada Galdogob ayaa fuliyay howlgal amni oo ka dhan ah nin maalin ka hor dil iyo dhaawac u geystay dad safar ahaa gudaha magaalada.

Ninkan oo falka kaddib u baxsaday dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa si degdeg ah u daba galay ciidamada ammaanka. Sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, eedeysanaha ayaa la dilay kaddib markii uu diiday in uu isa soo dhiibo islamarkaana uu iska caabin sameeyay.

Meydka ninka ayaa dib loogu soo celiyay gudaha magaalada Galdogob, gaar ahaan goobtii uu ku dilay darawal safar ahaa isla markaana uu ku dhaawacay laba qof oo kale. Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka ayaa u soo baxay si ay u arkaan meydka, taasoo muujinaysa sida ay bulshada uga caroodeen falka uu geystay.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale taageeray odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, kuwaas oo la sheegay inay bixiyeen amar ah in ninka lagu soo qabto nolol ama geeri midkood. Tallaabadan ayaa muujinaysa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha ammaanka iyo hoggaanka dhaqanka marka ay timaaddo wax ka qabashada dambiyada culus.

Bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan gobolka Mudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka, iyagoo u arka mid wax ka tari kara dilalka soo noqnoqday ee ka dhacayay gobolka, isla markaana xoojin kara nabadgelyada iyo kala dambeynta.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments