Biyo la'aan xoog leh ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan dagmada eyl ee gobolka Nugaal, ka dib markii ay jabeen ceelashii dadka iyo duunyadu ay ka cabi jireen.
Goobaha ay biyo la'aantu ka taagan tahay waxaa ka mida deegaanka xasbahalle oo ay jabeen ceelashii riiga e laga cabi jiray, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada xasabahalle Siciid Saleebaan Mire.
Gudoomiyaha deegaankaas waxa uu xusay in dadka magaalada gudahda ku nool iyo kuwa miyiguba ay hada wajahayaan biyo la'aan daran, ayagoo lahayn awood ay biyo ku raadsadaan. waxa uu sheegay in ay biyo ugu sokeeyaan deegaano ka tirsan magaalada Garowe.
Masuuliyiinta dagmada eyl waxa ay sheegeen in ay qaylo dhaan fara badan u gudbiyeen maamulka iyo ha'yadaha samafalka, iyagoo sheegay in aysan jirin wax gurmad ah oo oo gaaray degaanada ay ka jiraan biyo la'aantu.
Inkasta oo biyo la'aantu ay ka jirto meelo badan oo Puntland ah hadana xaalada deegaanka xasbahalle waa mid ka duwan meelaha kale ee puntland ay abaartu saamaysay.
abaarta baahan ee ku habsatay deegaano ka mida gobolka nugaal ayaa ka duwan abaarihii hore uga dhici jirtay deegaanka.
Salafia Media


0 Comments