DOWLADDA SOOMAALIYA OO DIL TOOGASHO AH FULISAY


Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ka tirsanaa ururka al shabaab, kuwaas oo Maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogaho.

Labada nin ee saaka lagu toogtay Magaalada Muqdisho waxaa magacyadooda lagu sheegay  Xassan Cali Iftin Buule (Gacmey)  Xassan Cali ibraahim Maxamed (Baari).

Ragaan waxaa loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada CaasimadaMuqdisho sida ay cadaysay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xassan Cali Iftin (Buule) iyo Xassan Cali Ibraahim Maxamed (Baari) oo loo haysatay dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Caasimada laguna gumaaday mawaadiniin Soomaaliyeed ayaa laga oofiyay Xadkii qisaasta oo ay hore ugu xukuntay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Dowladda Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore dil toogaho ah ku fulisay labo nin oo ku eedaysnaa alshabaab in ay ahaayeen iyo dilal ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Balse waxaa jira dhalinyaro badan oo lagu xukumay dil toogasho ah oo aan illaa iyo hada la fulin.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments