RAIISUL WASAARE XAMSE OO KULAN LA QAATAY MADAXWEYNAYAASHA PUNTLAND IYO JUBALAND DENI IYO AXMED MADOOBE

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa mar kale kulan la qaatay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya. Qoraallo ka soo baxay Puntland iyo Jubaland ayaa lagu xaqiijiyay qodobada kulanka looga hadlay.

Kulankan wuxuu yimid kaddib markii maanta ay isfaham gaareen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka. Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay ku shiraan gudaha xarunta Villa Somalia. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in qodobada kale ee la isku hayo lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Ilaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka ka dhici doona Villa Somalia. Shirkaas ayaa la filayaa in si gaar ah diiradda loogu saaro wax ka beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah qodobada ugu adag ee laga doodi doono.

Salafia Media


Post a Comment

0 Comments