MADAXWYNE XAAN HIIKH OO LA KULMAY GOLAHA MUTAQBALKA


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka soo noqday safar dibadda ah, ayaa maanta kulan la qaadanaya Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqan doona xarunta Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka. Waxay halkaas ku yeelan doonaan kulan qado ah oo ka dhici doona Hotel Decale.

Lama oga waxyaabaha ka soo bixi doona kulanka maanta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin shirka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan qabsoomidiisa.

Bale khilaaf baahan ayaa hareeyay xiriirka ka dhexeeya goloha mutaqbaka iyo dowladda federaalka ee oomaaliya, wayna adagtahay in lagu hehiiyo kulanka maanta khailaafka jira owgii.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka weli iskuma afgaran goobta uu ka dhici doono shirka. Golaha Mustaqbalka waxay doonayaan in shirka lagu qabto gudaha xarunta Xalane, halka Dowladda Federaalka ay rabto in lagu qabto xarunta madaxtooyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments