PUNTLAND OO DADKA ABAARTU SAAMAYSAY UGAYSAY 1710 BOOYADOOD OO BIYO AH

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay wajiga labaad ee barnaamijka biyo-qaybinta ee loogu talagalay gobollada Puntland ee ay abaartu saameysay.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday deegaanka Birta-dheer ee gobolka Nugaal. Waxaa halkaas lagu shaaciyay in maanta la qaybinayo 1,710 booyadood oo biyo ah. Sidoo kale, waxaa la caddeeyay in howlaha biyo-dhaaminta ay si joogto ah uga socon doonaan dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay gaarsiinta gargaar degdeg ah dadka iyo duunyada ay abaartu si daran u saameysay. Wuxuu xusay in gurmadkani yahay mid lagu yareynayo dhibaatada biyo la’aanta.

Maalmihii u dambeeyay, deegaanno ka tirsan Puntland waxaa ka soo yeerayay qaylo-dhaan ku saabsan biyo la’aan. Arrintan ayaa timid kaddib markii ay burbureen qaar ka mid ah ceelashii biyaha ee ay bulshadu ku tiirsanaayeen.

Salafia Media


Post a Comment

0 Comments