Shirkii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa galay maalintii labaad oo hakad ah. Tan iyo khamiistii, wax wadahadal ah ma dhicin, kaddib kulankii ugu horreeyay ee ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday la kulanka xubnaha Golaha Mustaqbalka u soo xushay wadaxaajoodka. Xubnahan ayaa doonaya in ay si toos ah ula xaajoodaan madaxweynaha, iyagoo aan rabin cid kale oo ku dhex jirta kulanka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaba in wadaxaajoodku uusan ku koobnaan isaga oo keliya. Wuxuu soo jeediyay in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay ka qeyb qaataan kulanka, ama in si guud loo wada fariisto, sida shirkii khamiistii hore u dhacay.
Golaha Mustaqbalka ayaa khamiistii magacaabay xubno la kulma madaxweynaha si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka. Xubnaha la xushay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xoghayaha Golaha Xildhibaan Cabdullaahi Carab.
Waxaa la filayaa in Golaha Mustaqbalka uu maanta yeesho shir gaar ah oo ay arrintan kaga tashanayaan. Kulankaas ayaa laga yaabaa in uu ku soo dhammaado war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saaraan.
Salafia Media

0 Comments