PUNTLAND OO QABATAY NIN DAACISHA AH IYO DUQEYN LA FULIYAY



Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe howlgal ka fuliyeen deegaanka Tasjiic ee buuraha Calmiskaad. Howlgalkan ayaa lagu qabtay nin ka tirsan kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidamada ee ka hawlgala aaggaas ayaa xaqiijiyay qabashada ninkan. Waxay sheegeen in magaciisa lagu sheegay Bishaar Maxamed. Sidoo kale waxay tilmaameen in uu u dhashay dalka Yemen.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in ninkan uusan wadan wax hub ah markii la qabtay. Waxay xuseen in uu ka soo baxsaday talis ay Daacish ku leedahay deegaanka Shankaala ee togga Baalade. Goobtaas ayaa la sheegay in ay tahay saldhig muhiim u ah kooxda.

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa sheegay in 16-kii Febraayo uu duqeyn cirka ah ka fuliyay Soomaaliya. Duqeyntaas ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish.

AFRICOM waxay sheegtay in duqeyntu ka dhacday buuraha Calmiskaad. Goobta la bartilmaameedsaday ayaa qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso. Si kastaba ha ahaatee, talisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkaas.

Muddooyinkii u dambeeyay, xubno ka tirsan Daacish ayaa isu soo dhiibay ciidamada Puntland. Inta badan xubnahan ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ajaaniib.

Puntland ayaa dhawaan shaacisay in ay wax ka beddeshay taatikada dagaalka ay kula jirto Daacish. Waxay sheegtay in dagaalkii fool ka foolka ahaa loo beddelay istaraatiijiyad go’doomin ah. Tallaabadan ayaa la sheegay in lagu wiiqayo dhaq-dhaqaaqa iyo saadka kooxda.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments