Shir ay yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ku soo dhamaaday isfahan la’aan.kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Labada dhinac ayaase ku kala tagay iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin.Sidaas darteed, wax war-murtiyeed ah lagama soo saarin shirka.
Mas’uuliyiin ka qaybgalay kulanka ayaa xaqiijiyay in wax horumar ah la gaarin.
Sidoo kale, lama shaacin kulan kale oo lagu ballamay.Labada dhinac ayaa mid walba ku adkaystay mowqifkiisa.Taasi waxay sii kordhisay hubanti la’aanta siyaasadeed.
Khilaafka ugu weyn wuxuu salka ku hayaa qaabka doorashooyinka soo socda.golaha Mustaqbalka waxay ku adkaysteen in dowlad goboleedyada wakhtigoodu dhammaaday qabtaan doorashooyin dadban.
Intaas waxaa dheer, waxay dalbadeen in doorashada federaalka lagu qabto heshiis iyo wakhtigeeda.waxay sidoo kale xuseen in la raaco dastuurka ku meel gaarka ah ee 2012.
Somalia waxay qaadatay dastuurkeeda ku meel gaarka ah sanadkii 2012.sidaa awgeed, Golaha Mustaqbalka waxay diideen wax ka beddel kasta oo dambe lagu sameeyay.waxay ku doodeen in wax ka beddelkaas uusan sharciyad buuxda lahayn.arrintaas ayaana noqotay qodob adag oo la isku mari waayay.
Dowladda Federaalka oo Ku Adkaysatay Doorasho Qof iyo Cod ah
Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxay ku adkaysatay doorasho qof iyo cod ah.waxay si cad u diiday in dib loogu laabto doorasho dadban.Madaxda dowladda waxay ku adkaysteen in doorashada si toos ah loo qabto heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.Waxay ku tilmaameen qorshahan mid xoojinaya dimuqraadiyadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa shaki geliyay suurtagalnimada hirgelinta qorshahan waqtigan.Khilaafkaas ayaana sii kala fogeeyay labada dhinac.natiijadu waxay noqotay in wada-hadalladu istaagaan.
Mustaqbalka Siyaasadeed oo Weli Mugdi Ku Jira
Waxaa horay loo saadaalinayay in shirka uusan wax badan ka soo bixi doonin.labada dhinac ayaa si weyn ugu kala fogaaday aragtiyadooda.mid kasta wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa gaarka ah.sidaas darteed, wax tanaasul ah lama arkin.
Maadaama kulan kale aan la qorsheyn, xaaladda siyaasadeed ayaa weli cakiran.Arrintani waxay saameyn ku yeelan kartaa jadwalka doorashooyinka.Dadweynaha ayaa sugaya xal cad oo la isku raaco.Ilaa iyo hadda, geeddi-socodka doorashooyinka ayaa ku jira hubanti la’aan.
Salafia Media

0 Comments