EMMANUEL EDEBAYOR OO SAALIYAY KOOXDA KU GUULEYSAN DOONTA PREMIER LEAGUE XILLI CIYAAREEDKAN



Weeraryahankii hore ee Togo, Emmanuel Adebayor, ayaa ku adkaystay in Manchester City ay ka qaadi doonto Arsenal horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Guushaas ayaa ka dhigtay wiilasha uu hoggaamiyo Mikel Arteta inay markale shan dhibcood ka horeeyaan Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu maamulo Pep Guardiola ayaa hal kulan ka yar ciyaartay Arsenal, Adebayorna wuxuu aaminsan yahay in arrintaas ay faa’iido u noqon doonto City.

Adebayor ayaa la hadlay Premier League Productions kadib markii Arsenal ay 4-1 ku garaacday Tottenham Hotspur Axaddii.

Wuxuu yiri:

“Waxaan ku tiirsanaan doonaa khibradda City. Guardiola wuu ku guuleystay hore, wuxuuna haystaa ciyaartoy hore ugu guuleystay.

“Wuxuu sidoo kale ku daray ciyaartoy cusub oo kooxdiisa ah.

“Arsenal maanta waxay muujisay shakhsiyad, laakiin ma sameyn karaan taas 10-ka kulan ee harsan? Anigu waan ka shakisanahay.”

“Waxaan eegay kulamada soo socda ee Arsenal iyo City labadaba. Waxaan u maleynayaa in City ay ku guuleysan doonto horyaalka.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments