MADAXWYNE SICIID CABDULLAAHI DENI OO LA KULMAY XILDHIBAANADA pUNTLAND EE EDERAALKA

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay xubno ka mid ah xildhibaanada Puntland ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay ku tilmaameen kulanka mid is-xogwareysi iyo wadatashi ah oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha qaranka.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, kulanka wuxuu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqeynta u dhaxeysa hoggaanka Puntland iyo wakiilladeeda heer federaal. Sidoo kale, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland, kuwaas oo qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Deni wuxuu in ka badan laba toddobaad ku sugnaa Muqdisho. Wuxuu halkaas u tegay wadahadalladii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo aan miro dhalin. Inkastoo wadahadalladu fashilmeen, haddana madaxweynuhu wuu sii watay kulamada iyo la-tashiyada siyaasadeed.

Madaxweyne Deni wuxuu hore u sheegay inuusan ka bixi doonin Muqdisho ilaa laga gaaro heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xal laga gaaro khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashada. Wuxuu sidoo kale ku baaqay daahfurnaan iyo is-afgarad dhexmara hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed.

Kulanka uu la yeeshay xildhibaanada Puntland ayaa muujinaya dadaal joogto ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo isku duubnida. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in danaha Puntland si cad loogu matalo wada-xaajoodyada heer qaran.

Warar hoose ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filayo inuu dib ugu laabto Puntland. Si kastaba ha ahaatee, joogitaankiisa Muqdisho wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Puntland ku leedahay geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Maamulka Puntland wuxuu weli ku adkeysanayaa doorasho hufan oo loo dhan yahay. Sidoo kale, wuxuu ku baaqayaa wada-hadal loo dhan yahay oo dhexmara dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Salafia Media

Post a Comment

0 Comments