SOMALILAND OO CANBAARAYSAY WEERARKA IIRAAN KU QAADAY KHALIIJKA

Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyey weerarada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka ee Imaaraadka, Sacuudiga, Qadar, Baxreyn, Kuwayd iyo Jordan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, oo lagu daabacay barteeda rasmiga ah ee X (hore loo oran jiray Twitter), ayaa lagu yiri: “Xukuumadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iiraan ku bartilmaameedsatay Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuwayd, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudiga iyo Boqortooyada Haashim ee Jordan.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu daray: “Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo diidaysa gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Salafia Media



Post a Comment

0 Comments